Monday, September 22, 2014

Suugaan silsilad samir badan Qaybtii 4aad

abwaan abshir isaaq

abwaan abshir isaq qeybtii afaraad
  • Axmadoow samaantiyo
  • salaantii gudoonaye
  • suugaanta sharaftale
  • waa dhaqan sokeeyiyo
  • soomaali magacood
  • sooyaal qoraaliyo
  • sifo nalagu garan karo
  • lixdankii sedkaan helay
  • hadii sebenka maanta ah
  • soomaali nimadii
  • laga dhigay midaan socon
  • sun ayaa ladaacoo
  • dhaqankii sugnaa baa
  • kuwa sebenkan soo baxay
  • oon sariiganeeyn baa
  • sinjigeena door shaye
  • rabiyoow na sama bixi,
  • maalinteey siloon tahay
  • adigaa sameeyn jirey
  • wax walboo sugnaadee
  • Duul samo ku caan baxay
  • Saatirkeey ma rogayee
  • siliciyo rafaad kii
  • sabab teena weeyaan
  • Reer samuudba waa tuu
  • Saalax uu illaah diray
  • markeey samaha diideen
  • sunihiyo kitaabkii
  • sixun loo halaagyoo
  • waxay sababsadeen baa
  • looga dhigay sedkoodii
  • Sebenkaanu joognana
  • Srilanka wax loo rogay
  • loogu diray sunaamida
  • waa salaad la'aantiyo
  • sinnaday banaysteen
  • sunnadii Illaaheey
  • kolna suuli maysee
  • cid kastoo san taagtana
  • balaa lagu salidayaa
  • Annaguna sidoo kale
  • waxa sida tan noo galay
  • oo saarka qorigiyo
  • suuga la isu dhaafsaday
  • oo saqiir wax aan garan
  • surka looga jarayaa
  • suuqa maydku wada yaal
  • sabab malahan loo yiri
  • midla sugayey maaheyn
  • Dadkii xabad baa salfiday
  • badh baa silicii la hadhay
  • badh baa saxaraha ku go'ay
  • badh baa sijnigii ka tegey
  • kuwii soo galay qurbaha
  • qaar baa seeg-seeg noqnoo
  • cirbado lagu seexiyaa
  • gabdhihii saxar diid ahaa
  • sariigta ku caan ahaa
  • sooryada laga dhiibi jiray
  • surwaalo barbaa sitee
  • kuwana sinjigeey hayaan
  • jalaabiib beey sitaan
  • suniyo faral baan ka tegin
  • oowlaadana waa mid sugan
  • soomaaliya waan arkaa
  • dadkuna waa silicsanyahay
  • inaan siinleey qoriyo
  • suugaan miya ila gudboon?
Posted By
Yonis Abdulkadir Osman ( Hanad Yare)

No comments:

Post a Comment