Abwaanada soomaaliyeed ayaa intooda badan waxa ay bulshada inteeda kale
la qeybsadaan marxaladaha ay ku jiraan waxana ay mar walibaa ka hadlaaan
qeybaha kala gadisan ee bulshooyinku ku howlanyihiin, hadey ahaan
laheyd siyaasada caafimaadka dhaqanka iyo waxbarashada inkastoo
caashaquna uu yahay mid kamida howlaha bulshda inteeda badan ka fashilma
misna ay ku wareersan yihiin sidii xal loogu helilahaa.
Abwaan Ahmed Daljir oo lagu yqaan Gabyo farabadan uu qeybaha
bulshada usoo bandhigo ayaa waxa uu bartiisa Faceboka soo dhigay
dhambaal gabay ah ka auu si qoto dheer uga hadlayay Caashaqa iyo Casiran
waxa uu aniga qoraaga ah isoo jiitay mar aan dul marayay Halka uu
maalin kasta Qoraalada soo dhigo Abwaanku.
CAASHAQA IYO CASRIGA
MAXAA KALA HEYSTA
Abwaan Ahmed Daljir
Beryo hore cishqigu waasagii caadiga ahaaye
cusbur buu ahaan jirey sidii caano loodhamo e
ciso iyo wacaag buulahaa caadiyoon lumine
cuqdad iyo xumaan iyo ma qabin cudur la taabtaahe
iminkana ciyaar buu noqdiyo caato ookale e
ku calmaday ayuunbaan maqlaa waana curisaane
cishaduu kobcilahaa ayaad cagaha saartaane
caafimaad maledo oo beryahan ciil kamuu boxo e
cilmi xumo daraadeed dadbaa ceesh kadoor bidaye
afar beri caweeyoo isfura waa cawaan nimo e
cilmina waa ugoay waan ognahay ceebladuu rabaye
calaf uu ilaah kuuqoriyo cudud adoo heeysta
inaad kala carootaanu waa cirib xumaan tiine
caado dhaqanki soomaaliyeed waa ka cararteene
diintanadi cudooneed hadaan laba ciseeyneeynin
aduguna cishadi soobaxdaba calaf ka raaraadi
No comments:
Post a Comment