abwaan c/qani yuusuf
Qaybtii 5-aad- Abwaanadii silsiladaan
- Seeskeeda jeexee
- Saldhigeeda ahaayoow
- Sida guud ma sugantiin,
- Marka xiga salaantaan
- Socotada u meel dhigay
- Samo mayga qaadeen?
- Sidii aan horeba iri
- Siinleydu waa soor
- Saxar laga ilaalshoo
- Ninba saami mudan yahay
- Anna xarafkan siinkaa
- Mar labaad sadkay helay
- Marka xiga sokeeyoow
- Sahankaan isniri taga
- Waa iga su’aal furan
- Sahaydii ma sidanaa
- Halka aan ku soconiyo
- Meesha aan ku suganahay
- Laba kala sokeeyoo
- Kala seeran weeyaan,
- Silic iyo abaarba leh
- Sulmi iyo haraad badan
- Ruux haduu socdaalana
- Inuu halaq ku sayroo
- Seedaha la gooyaa
- Iyo inuu sibraaradda
- Sidko dhalay ku maaloo
- Rabi samata bixiyay
- Sifaheeda keentaa
- Xaajadu sal fudud iyo
- Sahal yaysan naga noqon
- Gagi sarana maahee
- Buuraha salkoodiyo
- Sanaag bay ku xiran tahay
- Sam sam iyo bulaalaa
- Sibraheedu yaalaan
- Suul dhabaale weeyaan
- Mar kalena safkaygoow
- Waa iga su’aal guud
- Suryo uu rag kale maray
- Ma inaan saanta gelinaa’?
- Saaxiibaday rumaadoow
- Murti uu duul kale sohay
- Ma inaan saxnaayoo
- sabarka aan ku qaadnoo
- sadrigeena galinaa’?
- Mar labaad sokeeyoow
- Halkii aan is niri daga
- Sowkan saanta lagu sugay
- La sayrsayray rayskee
- Xooluhu sumsumayaan
- Samawade ragaygoow
- Bal ii yeesha samac oo
- Ma ogtihiin Sallaamaley
- Inay tahay silsiladii
- Sabankaanba socotee
- Siinleey looga sami dhigay
- Kala soocday murtidii
- Nin waliba la sooree
- Rag ku kala sareeyoo
- Lagu safay mareegaha
- Waxba yaanan sahashane
- Aan sargooyo siinkee
- Safka wada akhyaartoow
- Abwaanada I sugayoow
- Laba mida mid soo gala
- Inaan xarafka siinkaa
- Uga boodno seed kale
- Oon sabadka reeraha
- Geedi aan lahayn sahan
- Saakaba ka guurnaa
- Iyo inaan joogno seeraha
- Oon murtidaa sarbeebtaa
- Ula safano qayrkeen
- Labadaas mid soo gala
Yonis Abdulkadir Osman ( Hanad Yare)
No comments:
Post a Comment