Monday, September 22, 2014

Suugaan silsilad samir badan Qaybtii 6 aad

Abwaan C/fitaax Barre Nuux Qaybtii-6
Maansadan waatii suugaanta xirantey uu ku furay Abwaan C/fitaax Barre
  • Saaxiibaday rumaadow,
  • Ragga siinka curiyee ,
  • Ninba sowdka dhiibtow,
  • Marka hore salaam guud,
  • Marka xiga sokeeyow ,
  • Xaggayaga sareediyo ,
  • Waa seer ma waydee,
  • Maxaad saaka joogtaan?
  • Aan sifeeyo hadalkee
  • Ragow siinkaad curiseen
  • Suugaantaad tabiseen
  • Samir wada tiraahdeen
  • Way seeto furatoo
  • Soomaaliyoo idil
  • Shanta seer adduunyada
  • Meel ay ku sugantahay
  • Saamaysay guudkeed
  • Anna saaka qaybtay
  • Saaxiibaday rumaadow
  • Waa soo sagootiyay
  • Safar baan u raray dheer
  • Sahay baan u xiray badan
  • Hasheenii Samays baan
  • Caanaheeda suluxaa
  • Uga dhaanshay saytuux
  • Saddexdiina samahele
  • Ninba sabadkii uu dagay
  • Iyadaa salaamine
  • Qabta sadaradeedoo
  • Salka dhiga u fiirsada.
  • Aan sii sadcaaloo
  • Seefaha adkaystee
  • Ma ogtihiin sokeeyow
  • Sahankaynu diraniyo
  • Siinkaynu dhiibnaba
  • Sahaydoodii may dhumin
  • Rag sarreeya baa helay
  • Nin waliba sabeeniyo
  • Sumalluu ka gowracay
  • Sadbursina ma fiicnee
  • Saami bay u qaybsheen
  • Ninba subaxay joogtuu
  • Isagaan sal fududaan
  • Maanso aan saluugnayn
  • Mareegaha ku sayraa
  • Saaxiibaday rumaadow
  • Soomaali baa tiri
  • Miro sacabka kuu yaal
  • Intaad ciid ku saydhaan
  • Kuwo saran geed sare
  • Haw suul dhabaalayn
  • Waxaan uga socdaa taa
  • Adoo saafi qalanja ah
  • Gabar aan safkeed curan
  • Kula sugan aroos wacan
  • Sodoh uu rag kale qabo
  • Saqda dhexe habeenkii
  • Inaad soo salaantaa
  • Wax sawaaban weeyaan
  • Waxaan uga socdaa taa
  • Innagoo silsiladaan
  • Sayskeeda jeexnoo
  • Sarka dhaban ka dhowrnoo
  • Subageeda shiilnoo
  • Seefaha afaynoo,
  • Weli aan la seerayn
  • Xeryo samo ugbaad badan
  • Inaan teenna sayrnaa
  • Murti uu rag kale solay
  • Sallaamalay u boodnaa
  • Si kalleeto weeyaan
  • Ma ogtihiin safkeegow
  • Inuu siinka maansadu
  • Badahaa sunsumayiyo
  • Dabaylaha hawada sare
  • Joog sare ku duuliyo
  • Wax kastoo dunida suran
  • Sokeeyow ka badanyahay
  • Inaan siinka xoornaa
  • Rag kalleeto siinaa
  • Sooryadeeda diidnaa
  • Marti safar ka noqonaa
  • Sokeeyiyo xigaalow
  • Wax sawaaban weeyaan
  • Aan sii sadcaalee
  • Seefaha adkaystee
  • Danta guud sifeeyee
  • Waataan beri samaadkii
  • Innagoo hawada sare
  • Sidko dhalay ku maalnoo
  • Dadku samo ku noolyahay
  • Tiradoo sagaashana
  • Sulufka aynu kicinoo
  • Calankeenii siibnoo
  • Baddeenii sumaynoo
  • Qaxootiga sunsuminoo
  • Saqiiradii la gowracay
  • Sidii saancadii beri
  • Umulihii la saanyaday
  • Safka wada akhyaarow
  • Waa iga su’aal guud
  • Maxaan saaka haynaa?
  • Aan sii sadcaalee
  • Seefaha adkaystee
  • Abwaankii sarreeyiyo
  • Sangub baa mar hore yiri
  • Sacna waysha uu dhalo
  • Sanka kalama rooroo
  • Sidig kama jeclaadee
  • Sanadadaan waxaa dhacay
  • Wayshii baa sacii nacay
  • Sidig buu ka door biday
  • Sankuu kala ordaayaa
  • Aan saafo hadalkee
  • Ma ogtihiin sokeeyow
  • Dhalinteenii soomaal
  • Sabaankii xorroyadii
  • Inay seefo qaateen
  • Salabkooda boobeen
  • Gumaystihii ka saareen
  • Soomaaliyoo idil
  • Kuwa maanta noo safan
  • Samahele dhalaankii
  • Sinjigooda gaarka ah
  • Soomaali uu galay
  • Dalkooday saluugeen
  • Doonyaha sabbeeyey
  • Safar dheer ku raaceen
  • Yurub seeraheediyo
  • Saancadaynu beri hore
  • Dalkeenii ka saarnay
  • Darbigooda seexdaan
  • Suulka iyo faraha sare
  • Ma simaan afkoodoo
  • Dadkuna waa sidoo kale
  • Waxaan uga socdaa taa
  • Qaarbaa silloonoo
  • Dhagahay sareenoo
  • Sankay biro ku qaateen
  • Mindi iyo sakiin bay
  • Sunniyaha ku xiireen
  • Waa iga su’aal guud
  • Ma heleen samaan iyo
  • Xeeryo laysku sooriyo
  • Soo dhawayn walaalnimo
  • Camal sugan ma haystaan?
  • Ma sirqada caddaankay
  • Xafaayado ka siibaan?
  • Aan sii sadcaalee
  • Seefaha adkaystee
  • Danta guud sifeeyee
  • Dhaqankeenu waa sumad
  • Sooyaal gaar ahaaneed
  • Sifo aynu leenahay
  • Sal waxaan ahaan jiray
  • Gabdho laysa siiyoo
  • Ninka guur u saantaa
  • Yarad sooryo wacan iyo
  • Kadin sofa bixin jiray
  • Waxaan uga socdaa taa
  • Kol haddaan saluugnoo
  • Guumays surweel xiran
  • Suleekhadii ka dooranay
  • Ubadkay sidaan iyo
  • Sowjadaa shisheeyuhu
  • Ma Soomaali bay noqon?
  • Sarcad waalidkii dhalay
  • Sodog aabbe noo roon
  • Sodoh miyay inoo noqon?
  • Sagsaaguna ma fiicnee
  • Hilbo laysma saaree
  • Silic iyo dhibaatadu
  • Rag kaliya ma saarnee
  • Dumarkuna sidoo kale
  • Qaarbaa saqaafoo
  • Sararihii banneeyoo
  • Saraawiilna qaatoo
  • Sowracoodii diidoo
  • Sanka dhuudhi gaaloo
  • Sanku labo bakhaar yahay
  • Silis iyo dhagana xiran
  • Murqo seedo laga dhigay
  • Soomaalinimadiyo
  • Sunnihii ka doorteen
  • Saaxiibaday rumaadow
  • Waa iga su’aal guud
  • Sawaaxiliga keenyiyo
  • Jamaykaan silloon baan
  • Gabdhaheenii siinaye
  • Ma seeday inoo noqon?
  • Aan sii sadcaalee
  • Seefaha adkaystee
  • Danta guud sifeeyee
  • Sama hele dalkeenii
  • Suubanow dadkiisii
  • Sida maanta uu yahay
  • Murti lagu sifayn waa
  • Samahele raggeygow
  • Waxaan siinka kaga baxay
  • Maansadaan sadcaal iri
  • Sa’da aan la doorbiday
  • Murtidiyi sarbeebtaa
  • Sakalaha ha laga guro
  • Waa saad macaanoo
  • Saxar iyo bariiq layn
  • Saxiibkiin rumaad baa
  • Siigada ka mayroo
  • Cidna gaar u may samin
  • Su’aalaha is daba yaal
  • Sikhil haw malaynina
  • Safsafoo ujeedada
  • Subciyoo dhammeeyoo
  • Jawaabaheeda oo sugan
  • Safkiinaan sugaynaa
By
Yonis Abdulkadir Osman ( Hanad Yare)

No comments:

Post a Comment