Monday, September 22, 2014

Aqri Abwaanka Caanka ah Ee Ahmed Daljir Oo Gabay Xikmad Badan Ka tiriyay Caashaqa Iyo Casiragan.

Abwaanada soomaaliyeed ayaa intooda badan waxa ay bulshada inteeda kale la qeybsadaan marxaladaha ay ku jiraan waxana ay mar walibaa ka hadlaaan qeybaha kala gadisan ee bulshooyinku ku howlanyihiin, hadey ahaan laheyd siyaasada caafimaadka dhaqanka iyo waxbarashada inkastoo caashaquna uu yahay mid kamida howlaha bulshda inteeda badan ka fashilma misna ay ku wareersan yihiin sidii xal loogu helilahaa.

Abwaan Ahmed Daljir oo lagu yqaan Gabyo farabadan uu qeybaha bulshada usoo bandhigo ayaa waxa uu bartiisa Faceboka soo dhigay dhambaal gabay ah ka auu si qoto dheer uga hadlayay Caashaqa iyo Casiran waxa uu aniga qoraaga ah isoo jiitay mar aan dul marayay Halka uu maalin kasta Qoraalada soo dhigo Abwaanku.

CAASHAQA IYO CASRIGA
MAXAA KALA HEYSTA
Abwaan Ahmed Daljir

Beryo hore cishqigu waasagii caadiga ahaaye
cusbur buu ahaan jirey sidii caano loodhamo e
ciso iyo wacaag buulahaa caadiyoon lumine
cuqdad iyo xumaan iyo ma qabin cudur la taabtaahe
iminkana ciyaar buu noqdiyo caato ookale e
ku calmaday ayuunbaan maqlaa waana curisaane
cishaduu kobcilahaa ayaad cagaha saartaane
caafimaad maledo oo beryahan ciil kamuu boxo e
cilmi xumo daraadeed dadbaa ceesh kadoor bidaye
afar beri caweeyoo isfura waa cawaan nimo e
cilmina waa ugoay waan ognahay ceebladuu rabaye
calaf uu ilaah kuuqoriyo cudud adoo heeysta
inaad kala carootaanu waa cirib xumaan tiine
caado dhaqanki soomaaliyeed waa ka cararteene
diintanadi cudooneed hadaan laba ciseeyneeynin
aduguna cishadi soobaxdaba calaf ka raaraadi

Suugaan silsilad samir badan Qaybtii 8aad

abwaan duraan yuusuf geedi

  • Abwaan Duraan oo kusoo biiray silsilada
  • iyo silsilada oo uu waxka weydiiyey
  • 4 abwaan iyo iyaga oo looga fadhiyo jawaab deeqda abwaanka
  • Abwaanada sareeyow
  • siinleyda curiyoow
  • marka hore salan guud
  • sanbabadiyo beerki iyo
  • saableyda feeraha
  • saldhigeedu’ uuyahay
  • marka kale sifajiro
  • suugantu wadahab
  • waacana saafiya
  • ubadkalasiiya
  • dhaqankena sooyal
  • saldhigiisa weeyaan
  • an idin su’aalee
  • samir badan maxaytahay
  • sanadkii xumaadoo
  • dhirtu sole qotoo
  • dadku saamajiidaan
  • oo an sabada reeraha
  • xooluhu kasoofeyn
  • alla lagu su’ashaa
  • in uu seymakeenee
  • dhaqankena sooyaal
  • saldhigiisa weeyaan
  • sanadkii barwaaqaa
  • wabiyadu susumayaan
  • sibra raduna buuxaan
  • subaguna banaan yaal
  • waxalagu saleeyaa
  • suugaantaweeyaan
  • hadii gabar suleeqa
  • sooryada laqaato
  • aroos loga sacabtumo
  • waxalagu saleeyaa
  • suugaantaweeyaan
  • bal aan idin su’alee
  • siinleyda garanaye
  • samir badan maxay tahay?

Suugaan silsilad samir badan Qaybtii 7aad

abwaan axmed daljir

  • qeeybtii 7 aad iyo samir badan
  • saaxiibadey rumaad iyo
  • soomaali idilkeed
  • inta samaha nala jecel
  • marka hore salaan guud
  • marka xiga sirteenii
  • silsiladii macaaneed
  • samir badan la oran jirey
  • anugu maan saluugine
  • sidig baan uxirayaa
  • somalay utahay udug
  • sinaan teey utahayn qodob
  • sinjigeey utahay dhaqan
  • suugaanteey utahay sharaf
  • sumad beey utahay calan
  • samir beey utahay magac
  • sune iyo xaq kama tegin
  • erayo an sugneeyn iyo
  • kuma arag wax saaida
  • abwaankii saluugena
  • waxbuu suuradeeystaye
  • sife xumale laga dhoowr
  • afartaas saliyo baar
  • kuxirxirey silsilad adag
  • fitaax xoow sifaha guud
  • suugaan taadi waan helay
  • tiradoo sagaashana
  • seben hore wixiidhacay
  • iyo subaxa maantaa
  • dhalintaad saluugtiyo
  • qaxootiga susumayiyo
  • baajuun saanyadeyn tiis
  • sida anugu aan qabo
  • waxaa iiga siidaran
  • sunahoo la dhaawaco
  • sujuudoo dadlagu dilo
  • culimadi saxdaaheey
  • oo surgooyo lala rabo
  • soomaali baan nahay
  • dowlad daan sameynaba
  • sune kuma dhaqmeysee
  • waxbeey suura deeystaan
  • qodob aan ilaah sugin
  • ayeey wada saxiixaan
  • kuwana waa si gooniya
  • waajihaad saxeey oran
  • dadkana weey silcinayaan
  • suuradaha ilaahey
  • kitaabkii sareeyiyo
  • suubanuhu wuxuu yiri(csw)
  • umadii sagsaagtana
  • naar ayeeyku sugantahay
  • bal aan idin su.aalee?
  • soomaaliyoo idil
  • sunaa lagu barbaarshee
  • halkeebaan u soconaa?
  • rabiyoow na sama bixi
  • silac iyo dhibaatada
  • anagaa u sababehe
  • sahaloo amuuraha
  • nabad seetadheer iyo
  • soowdkaa dadnagudhaqa
  • adigaa saciimehe
  • saadiroow alahayoow
  • nabad waan ka soonaye
  • maalinteey siloon tahay
  • adaa samata bixiyee
  • qalbiga noo sameeyoo
  • suubanaha (csw) dadkiisiyo
  • samajecel mar naga yeel
  • raboow yeey sedkeen noqon
  • naartu waa sirgixantee
  • adigaa sameeystaye
  • janaan kaa sugeeynaa

Suugaan silsilad samir badan Qaybtii 6 aad

Abwaan C/fitaax Barre Nuux Qaybtii-6
Maansadan waatii suugaanta xirantey uu ku furay Abwaan C/fitaax Barre
  • Saaxiibaday rumaadow,
  • Ragga siinka curiyee ,
  • Ninba sowdka dhiibtow,
  • Marka hore salaam guud,
  • Marka xiga sokeeyow ,
  • Xaggayaga sareediyo ,
  • Waa seer ma waydee,
  • Maxaad saaka joogtaan?
  • Aan sifeeyo hadalkee
  • Ragow siinkaad curiseen
  • Suugaantaad tabiseen
  • Samir wada tiraahdeen
  • Way seeto furatoo
  • Soomaaliyoo idil
  • Shanta seer adduunyada
  • Meel ay ku sugantahay
  • Saamaysay guudkeed
  • Anna saaka qaybtay
  • Saaxiibaday rumaadow
  • Waa soo sagootiyay
  • Safar baan u raray dheer
  • Sahay baan u xiray badan
  • Hasheenii Samays baan
  • Caanaheeda suluxaa
  • Uga dhaanshay saytuux
  • Saddexdiina samahele
  • Ninba sabadkii uu dagay
  • Iyadaa salaamine
  • Qabta sadaradeedoo
  • Salka dhiga u fiirsada.
  • Aan sii sadcaaloo
  • Seefaha adkaystee
  • Ma ogtihiin sokeeyow
  • Sahankaynu diraniyo
  • Siinkaynu dhiibnaba
  • Sahaydoodii may dhumin
  • Rag sarreeya baa helay
  • Nin waliba sabeeniyo
  • Sumalluu ka gowracay
  • Sadbursina ma fiicnee
  • Saami bay u qaybsheen
  • Ninba subaxay joogtuu
  • Isagaan sal fududaan
  • Maanso aan saluugnayn
  • Mareegaha ku sayraa
  • Saaxiibaday rumaadow
  • Soomaali baa tiri
  • Miro sacabka kuu yaal
  • Intaad ciid ku saydhaan
  • Kuwo saran geed sare
  • Haw suul dhabaalayn
  • Waxaan uga socdaa taa
  • Adoo saafi qalanja ah
  • Gabar aan safkeed curan
  • Kula sugan aroos wacan
  • Sodoh uu rag kale qabo
  • Saqda dhexe habeenkii
  • Inaad soo salaantaa
  • Wax sawaaban weeyaan
  • Waxaan uga socdaa taa
  • Innagoo silsiladaan
  • Sayskeeda jeexnoo
  • Sarka dhaban ka dhowrnoo
  • Subageeda shiilnoo
  • Seefaha afaynoo,
  • Weli aan la seerayn
  • Xeryo samo ugbaad badan
  • Inaan teenna sayrnaa
  • Murti uu rag kale solay
  • Sallaamalay u boodnaa
  • Si kalleeto weeyaan
  • Ma ogtihiin safkeegow
  • Inuu siinka maansadu
  • Badahaa sunsumayiyo
  • Dabaylaha hawada sare
  • Joog sare ku duuliyo
  • Wax kastoo dunida suran
  • Sokeeyow ka badanyahay
  • Inaan siinka xoornaa
  • Rag kalleeto siinaa
  • Sooryadeeda diidnaa
  • Marti safar ka noqonaa
  • Sokeeyiyo xigaalow
  • Wax sawaaban weeyaan
  • Aan sii sadcaalee
  • Seefaha adkaystee
  • Danta guud sifeeyee
  • Waataan beri samaadkii
  • Innagoo hawada sare
  • Sidko dhalay ku maalnoo
  • Dadku samo ku noolyahay
  • Tiradoo sagaashana
  • Sulufka aynu kicinoo
  • Calankeenii siibnoo
  • Baddeenii sumaynoo
  • Qaxootiga sunsuminoo
  • Saqiiradii la gowracay
  • Sidii saancadii beri
  • Umulihii la saanyaday
  • Safka wada akhyaarow
  • Waa iga su’aal guud
  • Maxaan saaka haynaa?
  • Aan sii sadcaalee
  • Seefaha adkaystee
  • Abwaankii sarreeyiyo
  • Sangub baa mar hore yiri
  • Sacna waysha uu dhalo
  • Sanka kalama rooroo
  • Sidig kama jeclaadee
  • Sanadadaan waxaa dhacay
  • Wayshii baa sacii nacay
  • Sidig buu ka door biday
  • Sankuu kala ordaayaa
  • Aan saafo hadalkee
  • Ma ogtihiin sokeeyow
  • Dhalinteenii soomaal
  • Sabaankii xorroyadii
  • Inay seefo qaateen
  • Salabkooda boobeen
  • Gumaystihii ka saareen
  • Soomaaliyoo idil
  • Kuwa maanta noo safan
  • Samahele dhalaankii
  • Sinjigooda gaarka ah
  • Soomaali uu galay
  • Dalkooday saluugeen
  • Doonyaha sabbeeyey
  • Safar dheer ku raaceen
  • Yurub seeraheediyo
  • Saancadaynu beri hore
  • Dalkeenii ka saarnay
  • Darbigooda seexdaan
  • Suulka iyo faraha sare
  • Ma simaan afkoodoo
  • Dadkuna waa sidoo kale
  • Waxaan uga socdaa taa
  • Qaarbaa silloonoo
  • Dhagahay sareenoo
  • Sankay biro ku qaateen
  • Mindi iyo sakiin bay
  • Sunniyaha ku xiireen
  • Waa iga su’aal guud
  • Ma heleen samaan iyo
  • Xeeryo laysku sooriyo
  • Soo dhawayn walaalnimo
  • Camal sugan ma haystaan?
  • Ma sirqada caddaankay
  • Xafaayado ka siibaan?
  • Aan sii sadcaalee
  • Seefaha adkaystee
  • Danta guud sifeeyee
  • Dhaqankeenu waa sumad
  • Sooyaal gaar ahaaneed
  • Sifo aynu leenahay
  • Sal waxaan ahaan jiray
  • Gabdho laysa siiyoo
  • Ninka guur u saantaa
  • Yarad sooryo wacan iyo
  • Kadin sofa bixin jiray
  • Waxaan uga socdaa taa
  • Kol haddaan saluugnoo
  • Guumays surweel xiran
  • Suleekhadii ka dooranay
  • Ubadkay sidaan iyo
  • Sowjadaa shisheeyuhu
  • Ma Soomaali bay noqon?
  • Sarcad waalidkii dhalay
  • Sodog aabbe noo roon
  • Sodoh miyay inoo noqon?
  • Sagsaaguna ma fiicnee
  • Hilbo laysma saaree
  • Silic iyo dhibaatadu
  • Rag kaliya ma saarnee
  • Dumarkuna sidoo kale
  • Qaarbaa saqaafoo
  • Sararihii banneeyoo
  • Saraawiilna qaatoo
  • Sowracoodii diidoo
  • Sanka dhuudhi gaaloo
  • Sanku labo bakhaar yahay
  • Silis iyo dhagana xiran
  • Murqo seedo laga dhigay
  • Soomaalinimadiyo
  • Sunnihii ka doorteen
  • Saaxiibaday rumaadow
  • Waa iga su’aal guud
  • Sawaaxiliga keenyiyo
  • Jamaykaan silloon baan
  • Gabdhaheenii siinaye
  • Ma seeday inoo noqon?
  • Aan sii sadcaalee
  • Seefaha adkaystee
  • Danta guud sifeeyee
  • Sama hele dalkeenii
  • Suubanow dadkiisii
  • Sida maanta uu yahay
  • Murti lagu sifayn waa
  • Samahele raggeygow
  • Waxaan siinka kaga baxay
  • Maansadaan sadcaal iri
  • Sa’da aan la doorbiday
  • Murtidiyi sarbeebtaa
  • Sakalaha ha laga guro
  • Waa saad macaanoo
  • Saxar iyo bariiq layn
  • Saxiibkiin rumaad baa
  • Siigada ka mayroo
  • Cidna gaar u may samin
  • Su’aalaha is daba yaal
  • Sikhil haw malaynina
  • Safsafoo ujeedada
  • Subciyoo dhammeeyoo
  • Jawaabaheeda oo sugan
  • Safkiinaan sugaynaa
By
Yonis Abdulkadir Osman ( Hanad Yare)

Suugaan silsilad samir badan Qabtii 5aad

abwaan c/qani yuusuf

Qaybtii 5-aad
  • Abwaanadii silsiladaan
  • Seeskeeda jeexee
  • Saldhigeeda ahaayoow
  • Sida guud ma sugantiin,
  • Marka xiga salaantaan
  • Socotada u meel dhigay
  • Samo mayga qaadeen?
  • Sidii aan horeba iri
  • Siinleydu waa soor
  • Saxar laga ilaalshoo
  • Ninba saami mudan yahay
  • Anna xarafkan siinkaa
  • Mar labaad sadkay helay
  • Marka xiga sokeeyoow
  • Sahankaan isniri taga
  • Waa iga su’aal furan
  • Sahaydii ma sidanaa
  • Halka aan ku soconiyo
  • Meesha aan ku suganahay
  • Laba kala sokeeyoo
  • Kala seeran weeyaan,
  • Silic iyo abaarba leh
  • Sulmi iyo haraad badan
  • Ruux haduu socdaalana
  • Inuu halaq ku sayroo
  • Seedaha la gooyaa
  • Iyo inuu sibraaradda
  • Sidko dhalay ku maaloo
  • Rabi samata bixiyay
  • Sifaheeda keentaa
  • Xaajadu sal fudud iyo
  • Sahal yaysan naga noqon
  • Gagi sarana maahee
  • Buuraha salkoodiyo
  • Sanaag bay ku xiran tahay
  • Sam sam iyo bulaalaa
  • Sibraheedu yaalaan
  • Suul dhabaale weeyaan
  • Mar kalena safkaygoow
  • Waa iga su’aal guud
  • Suryo uu rag kale maray
  • Ma inaan saanta gelinaa’?
  • Saaxiibaday rumaadoow
  • Murti uu duul kale sohay
  • Ma inaan saxnaayoo
  • sabarka aan ku qaadnoo
  • sadrigeena galinaa’?
  • Mar labaad sokeeyoow
  • Halkii aan is niri daga
  • Sowkan saanta lagu sugay
  • La sayrsayray rayskee
  • Xooluhu sumsumayaan
  • Samawade ragaygoow
  • Bal ii yeesha samac oo
  • Ma ogtihiin Sallaamaley
  • Inay tahay silsiladii
  • Sabankaanba socotee
  • Siinleey looga sami dhigay
  • Kala soocday murtidii
  • Nin waliba la sooree
  • Rag ku kala sareeyoo
  • Lagu safay mareegaha
  • Waxba yaanan sahashane
  • Aan sargooyo siinkee
  • Safka wada akhyaartoow
  • Abwaanada I sugayoow
  • Laba mida mid soo gala
  • Inaan xarafka siinkaa
  • Uga boodno seed kale
  • Oon sabadka reeraha
  • Geedi aan lahayn sahan
  • Saakaba ka guurnaa
  • Iyo inaan joogno seeraha
  • Oon murtidaa sarbeebtaa
  • Ula safano qayrkeen
  • Labadaas mid soo gala
By
Yonis Abdulkadir Osman ( Hanad Yare)

Suugaan silsilad samir badan Qaybtii 4aad

abwaan abshir isaaq

abwaan abshir isaq qeybtii afaraad
  • Axmadoow samaantiyo
  • salaantii gudoonaye
  • suugaanta sharaftale
  • waa dhaqan sokeeyiyo
  • soomaali magacood
  • sooyaal qoraaliyo
  • sifo nalagu garan karo
  • lixdankii sedkaan helay
  • hadii sebenka maanta ah
  • soomaali nimadii
  • laga dhigay midaan socon
  • sun ayaa ladaacoo
  • dhaqankii sugnaa baa
  • kuwa sebenkan soo baxay
  • oon sariiganeeyn baa
  • sinjigeena door shaye
  • rabiyoow na sama bixi,
  • maalinteey siloon tahay
  • adigaa sameeyn jirey
  • wax walboo sugnaadee
  • Duul samo ku caan baxay
  • Saatirkeey ma rogayee
  • siliciyo rafaad kii
  • sabab teena weeyaan
  • Reer samuudba waa tuu
  • Saalax uu illaah diray
  • markeey samaha diideen
  • sunihiyo kitaabkii
  • sixun loo halaagyoo
  • waxay sababsadeen baa
  • looga dhigay sedkoodii
  • Sebenkaanu joognana
  • Srilanka wax loo rogay
  • loogu diray sunaamida
  • waa salaad la'aantiyo
  • sinnaday banaysteen
  • sunnadii Illaaheey
  • kolna suuli maysee
  • cid kastoo san taagtana
  • balaa lagu salidayaa
  • Annaguna sidoo kale
  • waxa sida tan noo galay
  • oo saarka qorigiyo
  • suuga la isu dhaafsaday
  • oo saqiir wax aan garan
  • surka looga jarayaa
  • suuqa maydku wada yaal
  • sabab malahan loo yiri
  • midla sugayey maaheyn
  • Dadkii xabad baa salfiday
  • badh baa silicii la hadhay
  • badh baa saxaraha ku go'ay
  • badh baa sijnigii ka tegey
  • kuwii soo galay qurbaha
  • qaar baa seeg-seeg noqnoo
  • cirbado lagu seexiyaa
  • gabdhihii saxar diid ahaa
  • sariigta ku caan ahaa
  • sooryada laga dhiibi jiray
  • surwaalo barbaa sitee
  • kuwana sinjigeey hayaan
  • jalaabiib beey sitaan
  • suniyo faral baan ka tegin
  • oowlaadana waa mid sugan
  • soomaaliya waan arkaa
  • dadkuna waa silicsanyahay
  • inaan siinleey qoriyo
  • suugaan miya ila gudboon?
Posted By
Yonis Abdulkadir Osman ( Hanad Yare)

Suugaan silsilad samir badan Qaybtii 3-aad

abwaan axmed daljir

Abwaan Axmed abshir dhoore axmed daljir Qaybtii 3-aad
  • saaxiiba yaaloow.
  • marka hore salaan culus.
  • mudeey siinka maasadu.
  • bulshadaan kasuushaye.
  • hadeey sama kataliyiyo.
  • weli sooryo leedahay.
  • soomaali nimadiyo.
  • sinjigii ayaa nool.
  • aan idiin sifeeyee.
  • soomaali waa kuma.
  • sal wexeey kuleedahay.
  • afrikada sareeysiyo.
  • siinadeedu bari.
  • midab keedu waa subag.
  • soowd qureey wadaagaan.
  • saaxiibo iyo gacal.
  • seedi iyo walaal beey.
  • intaa same kataliyaan.
  • baqiil soorta diidiyo.
  • manaqaan saqaa qule.
  • samir baan ku nool nahay.
  • waxaa taa kasii daran.
  • sunaa lagu bar baarshoo.
  • qof saluugle kama dhalan.
  • cimilo an sal guureeyn.
  • saxan saxo udgoon badan.
  • iyo seeyma roobaad.
  • barwaaqaa salkeenaa.
  • anoon siinku ila tegin.
  • salfudeeyd ma fiicnee.
  • abshir baan sugeeynaa.
Posted By
Yonis Abdulkadir Osman ( Hanad Yare)

Suugaan silsilad samir badan Qaybtii 2-aad

abwaan c/fitaax

  • Abwaan Cabdifitaax Barre Nuux
  • Qaybtii 2-aad
  • saaxiibkay rumaadow,
  • sarreeyow ma liicow,
  • kayse diin ma salalow,
  • adaa siinka curiyee,
  • marka hore salaan wacan,
  • ma saluugin dhoorana ,
  • wuu salaamanyahayoo,
  • abwaannada sarreeyuu,
  • safka hore ka galayaa,
  • marka xigga samaalow,
  • aan soodka dhiib tee,
  • suugaantaad bilowdaa,
  • xalay saamalaylkii,
  • saqdii dhexe mar ay tahay,
  • salaan iigu timidoo,
  • anna soo dhaweeyoo,
  • sidii socotadii baan,
  • saaxiib u sooraye,
  • sokeeyow ma nabad baa,
  • aan sifeeyo hadalkee,
  • nin samraa sadkii hela,
  • soomaali baa hore,
  • ku sifaysay maahmaah,
  • waxaan uga socdaa taa,
  • waxay waaya silicdoo,
  • la sargooyo ciribkeed,
  • seefuhu is jiiraan,
  • saqiirada la gowraco,
  • umulaha la saanyado,
  • qaxootigu sunsuma oo,
  • dibadaha sabbeeyaan,
  • mar bey sugab dalkoodii,
Posted By
Yonis Abdulkadir Osman (Hanad Yare)

Suugaan silsilad samir badan

 
 Boga suugaanta soomaaliyeed dhamaan abwaaniinta somaliyeed wey ufurantahay silsiladan samir badan taas oo kahadli doonta sida bulshaweeynta *soomaaliyeed eey dhibaatada ugusoo samirtay abwaaniinta daadihinaya waakamid ah 4 tan abwaan oo dalka iyo dibada kalajooga suugaanta waxaa ka mamnuuc ah xaraf aan s ahayn waajiifto gabay maahan waa wadani wax dadka dhibaato ukeenaya looma baahna
  • abwaan c/qani yuusuf aadan
  • abwaan c/fitaax barre nuur
  • abwaan axmed daljir
  • abwaan abshir isaaq
Abwaan c/qani Yuusuf Aadan (Kaysediin)
Qaybtii 1-aad
  • Same cabdi barroow
  • saaxiikay rumaadoow
  • Aniga iyo dhooraba
  • inkastaanan wada socon
  • ku salaanay saaxiib,
  • sareeyoow ma duuloow,
  • sa'da gabaygu noo furan'
  • kugumaan sakaakimin,
  • sal u dhigaye ila soco,
  • samir-badan,midaan iri
  • Sambabada dhexdoodiyo
  • Sadriga iyo laabtiyo
  • sararaha salkoodiyo
  • Qalbigay ku sugantee
  • saaxiib bal iga qabo,
  • Sacabada ha sii dayn
  • saxar qaado yay sigin
  • ula duulin samadaa'
  • sakalooyin kale iyo
  • ku dhex tuurin saab wayn
  • cadaw bay u tahay sixir,
  • Somaliday u tahay subag,
  • sabigu waa ku siriraa,
  • waayeelku waa ku seexdaa,
  • jaahil waaku salalaa,
  • aniganu sidaydaba
  • Samirbadan sokeeyoow
  • Sahaydayda weeyaan,
  • sawd baan maqlaayaa
  • wuxu igu sasabayaa
  • wiil yahaw siraataa
  • saldahagaa laga yaab!
  • aan sargooyo saaxiib,
  • Markaad sadar suuraysana,
  • halqabsigu sad weeyee
  • ogoow samina waa nahay.
 Posted By
Yonis Abdulkadir Osman ( Hanad Yare)